Friday 31 May 2013

Dumarka oo ka riixaya ragga madaxnimada

Dumarka oo ka riixaya ragga madaxnimada

More female managers in public sector(lit. 'Women are shoving men aside to leadership')

 

Dumar badan ayaa ragga karbaashaya, oo kala wareegaya xilalka madaxnimada ee goobaha shaqada dawladda, ayuu qoray wargayska Politiken khamiista maanta ah.

 

The Danish daily Politiken reports that the number of female managers in the public sector is growing.

 

 Arrintaasi waxay farxad gelisay wasiirka sinnaanta Manu Sareen. 

 

 These developments have been praised by Minister for Gender Equality Manu Sareen.

 

 Hore waxa loogu doodayay, in dumarku aanay rabin xilalka hoggaanka. Laakiin waxa muuqata, inay rabaan, ayuu yidhi wasiirka.

 

“There has been a tendency in the public debate to assume that women don’t want managerial positions. It has been shown, however, that they do,” said Sareen.

 

 

Vocab 

dumar(ka) - women

rag(ka) - men

xil(ka; plural 'xilal') - responsibility

farxad(ta) - happiness

geli - to insert

hore - before, previously

dood - to argue, debate

hoggaan(ka) - leadership

waxa muuqata - it is clear


Maxaa laga doodayaa? - What is being debated?

Maxaa(what) la(passive) + ka(about)  doodayaa(debating)

 

Waxa muuqata inaad bixin kartaa xisaabta haddaad rabtid.

It is clear that you could pay the bill if you wanted to.


Runtii, wey i farxad gelisay sida aad u diyaarsan tihiin

Truly, it pleased me how well-prepared you all are.

 

Dumar badan ayaa ragga karbaashaya madaxnimada

Women are beating men to managerial (positions) 


Wednesday 29 May 2013

Sheeko - Saaxiibaddii (A story - The Friends)

Waxaa jirey laba nin oo saaxiib ah oo midkoodna uusan wax xoolo ah lahayn. Berigii dambe baa midkood weydiiyey kii kale:

There were once two men who were friends and neither of them had any wealth. One day, one of them asked the other:

"War hebelow, maxaad ugu jeclaan lahayd inaad heshid intaad nooshahay?"

"Tell me, what's the thing you want most while you're alive?"

"Waxaan jeclay inaan helo ari badan oon caano iyo hilib ka helo doog iyo jiilaalba." buu ku jawaabay.

"I wish I could have a lot of sheep and goats, so that I could have milk and meat all year round" , he replied.

"War adna, maxaad jeclaan lahayd inaad heshid?", kii kale baa isna la weydiiyey.

"And you, what would you like to have most", the other was asked.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan helo raxan yey ah oo arigaaga cunta", buu ku jawaabay.

"I wish I owned I pack of wolves that would eat up all your sheep and goats.", he replied.

"War maxaad yeyda arigayga u cunsiinaysaa, ma sidaas baynu saaxiibo ku nahay?", buu weydiiyey kii labaad isaga oo caraysan.

"But why do you wish your wolves to eat my livestock, do you call that 'friendship'", the other asked angrily.

"Maxaa yeelay, keligaa baa ariga oo dhan isla damcayoo waxba iga maad siin anoo saaxiibkaa ah", buu ku jawaabay kii kowaad. Ka dib, way isu caroodeen oo dirireen, ilaa ay iska daaleen oo midba dhinac u dhacay.

"That's because you want to keep all the herds to yourself and you didn't give me anything, even though I'm your best friend", the first man replied. Then, they both got angry and fought with each other, until they both got tired and collapsed.

"War maxaynu isku dileynaa?", midkood baa weydiiyey kii kale.

"What were we fighting for?" one of them asked the other.


"Rajo keli ah!", buu kii kale ku jawaabay.

"Only a wish!", answered the other.



Vocab

war(or 'warya') - hey there (used towards males; to women, you say 'naaya'
uusan - not (used in relative clauses)
Berigii dambe - one day
intaad nooshalay - while you live
weydii - to ask
is damac - to keep for oneself
rajo - wish, hope


Waxaan jeclaan lahaa inaan noqo qof hodon ah.
I would have wanted to become a rich person.

Waxaan jeclaan lahaa inaan tago Mareykanka.
I would have wanted to go to America. 



Idinkuna, maxaad ugu jeclaan lahaydeen inaad hesheen intaad nooshihiin?

Monday 27 May 2013

Article translation - from the Danish news website DR

Wasiir u digay waalidka ajinebiga ah

Minister warns immigrant parents

Qaar badan oo ka mid ah wiilasha asal ahaan ajinebiga ah ayaa ku dhammaada denbiilayaal, wasiirka arrimaha bulshada, Karen Hækkerup, ayaana arrintaas uga digtay waalidkood.
  
According to Minister for Social Affairs Karen Hækkerup, far too many boys with immigrant backgrounds are involved in crime, and she is now voicing criticism of their parents.

Waraysi uu la yeeshay wargayska Berlingske ayay ku ballanqaaday dadaalo cusub oo wax lagaga qabanayo arrintan.

In an interview with Danish daily Berlingske, Hækkerup proposed new initiatives for addressing this problem.

"Waa in aynnu ka tallaabsanaa fikradda ah, in loo cudurdaaro carruurta iyo waalidka, waayo meel innama gaynayso. Wiilka yar ee deriskiisa ku odhanaya dhillo ama laadaya ee jejebinaya alaabada, maaha qof meel lagaga dhacayo" ayay tidhi.

“We must do away with the attitude that it is a shame for the children and their parents, because that doesn’t help anyone. A little boy who yells obscenities at his neighbour or kicks things until they break is not a victim,” said Hækkerup.

Vocab
 u dig - to warn
waalid - parent
ajnebi - foreign
 wasiir - minister
arrin(ta) - matter, affair(pl. 'arrimmo')
bulsho(ta) - society
ka qabo - to do something about (something) 
ballanqaad - to promise (lit. 'to take a debt')
lagaga qabanayo - something will be done about (something)



Waxaan u digaa waalidkooda - I blame their parents
Arrintaasi wuu ii digay - He blamed me for that
Waxaan idiin ballan qaadayaa in aan bixinayo lacagta - I promise you(all) that I will pay the money
 Wax lagaga qabanayo arrintan - Something will be done about this matter.
lagaga = la(passive) + ka(?) + ka(about) 



 

Wednesday 15 May 2013

BBC article - Gaariye the poet

Sorry for the long absence, I have been trying to learn French, amongst other things. But I hope to kick-start this site, starting off with a few translations of articles from the BBC website. This article is about the famous Somali poet Gaariye. 

Waddanka Britain, waxaa intii muddo ahba ka socday bandhig dhinaca gabayada ku saabsan oo loogu magac daray Socdaalka Caalamiga ah ee Gabayaaga.

The country of Britain, 


Bandhigan, oo sadaxdii-sanaba mar la qabto, ayaa waxaa ka qabqaadanayay dad arimaha gabayada ku xeel-dheer oo ka kala socday waddamo kala duwan oo caalamka ka tirsan .
Maxmed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ah abwaan caan ku ah hal-abuurka tixaha Gabayada afka somaaliga ayaa magaca Gabayaaga somaliyeed ka qayb qaatay badhigaasi socdaalka gabayaaga
Yusuf Garaad Cumar ayaa wareysi dheer la yeeshay Abwaan Gaarriye, iyo Professor Martin Orwin, oo macallin ka ah jaamacadda SOAS ee dalka Britain, isla markaana kamid ah aqoonyahanno tarjumay qaar kamid ah gabayada Gaarriye.

Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) who is a famous poet
Wareysigaas oo dhinacyo badan taabanaya, uuna ku jiro gabay oo tiriyey abwaanka.